Maahmaaheey xagaadka timid?
waa suaal is waydiin mudan Maahmaahi waa Ilmaha Suuugaanta sidan anigu rumaysnahay. Cilmi sidaa ugu dheera malihi Suuganta Soomaalida ee axaan ka mid ahay dadka xiiseeyan. Jecela in ay wax kala hadhaan
sidaynu wada ognahayba soomaaliya waa burburtay waxaa ka hadhay dad iyo duuyaba waa wax yar lkiin suugaantii weli waytaagan tahay waxayn taag naanaysaa ilaa iyo inta qof somali ahi ku nool yahay aduunkan sababtu tahay waa wax ayanu ku sidanaa caloosheena ama niyadeena oo meeshaan adnaba inal socota aan inaga hadhayn maanta tad barto waxaa laga yaba in aad ilahaaga sii barto isna kan u sii dhalo u usiibaro siday aaynu hadab anahay o aan isaga soo dhaxlayna suaagaanta , ama dhaqanka awoow ka awoow.
Maahmaah aanugu jeclahay Maahmaaha waa sidan
Sadex waa maahir Sadex baase u miciin ah Sadex baase ka macaan Sedex baanse waxba uga ool.
Mugdi waa maahir
Cadeese u miciin ah
Maalin baase ka macaan
Waxanase waxba uga ool nin kii indhal oo aan maalinta arkayan mugdigan arkayan oo kabaxidhan
Abaari wa amaahir
Doog base u miciin ah
Cowsa baase ka macaan
Waxaana waxba uga ool ninkii aan waxba haysan oo xoolihiisii dhamadeen dee muxuuba daaqsan ama ha macaanado ama ha ahaado abaare
Colaadi waa maahir
Waanwaan baase u miciin ah
Nabad baase ka macaan
waxaanay waxba uga ool nin dhintay dee isagii iska dhimay ama ha la heshiiyo ama halays laayee isagii ka teg
kuwaasi waa Maah maaha sadex dhaca waana ay ku badan yihiin somaliga kuma arag luuqada kale.
Maah maahdanina waxay ka mid tahay Maah maaha La yiraahdo sadex dhaca la yiraahdo.
Nin maalin ma gaadhid
Nina Sanad ma gaadhid
Nina weligaa ma aad gaadhid
Nin ka kaa faraska fiican ma aad gaadhid oo waa kaa dheeraynayaa.
Nina sanad ma gaadhid oo nin ka kaa xoolaha badan oo hadii abaari dhacdo adiga waa ku dhamanaysa lakiin isaga waxaa u baxaanay qay xolihiisi ka mida ah.
Nina weligaa maad gaadhid oo nin ka kaa Naagata fiican weligaa maad gaadhid.
Markaa Maah maahadani waxay xoo jinaysa ama in abaraysa xooga lay leedahay xaaska fiicani ama gabadha murwada ahi siday tahay .
Tana waa Mahmah sadex dhaca mid ka mida.
Somalidu waxay ku maahmaadaa.
Hal waa yaab Hala waa amankaag Hala waa yaabka yaabkiis,
Hal waa yaab oo aboor baa dun dumo dhisa waa yaab
Hal waa amankaag oo candhuuftiisuu ku dhisa dundumada waa amankaag
Hala waa yaabka yaab kiis o wuxuu dundumada aborku dhisa habeenkii waa yaabka yaabkiis.
Maahmahdanina waxay ka mid taqhay ku sadeda dhaca waan maah maha caan ah waxay ku boxday nin kii fulayga ahaa ee Cigal shaydaad.
Cigaal wuxuu yiri.
Geedow ma waxaan ku mooday mise
waxaad noqotay mise
waxaan loo noqon doonin .
maahmahdan waxad u qadan kartaa,
qof aad mooday in uu fican yahay lakiin aad bartay wuxuu yahay
tusale ahaan
hada qof barato oo aadan kal ogan qofkan in uu xun yahay in in kale,
markaad bartayan aad ogatay in aanu ahayan qofkan waxaad ka rabtay in uu ku noqdo,
markaana aad ka tagtay oo tiraahdo waxaan kumooday qof fiican lagiin waxaad noqtay qof xun mana laga yaabo in aan sii wada joogno.
saas oo kale ba loo isticmalai kala intaas qudha maahe wax yaabo badan oo kale ba lo isticmali karaa.
maahmaahdana waxay ka mid tahay kuwa sadex dhaca
somalidu waxay ku maahmaada.
Nin maalin ma gaadhid
Nina sanada magaadhid
Nina weligaa maad gaadhid
Nina maalin magaadhid oo nin ka haysta maalintaa wuxuu cuno adan aadan haysan waxba maalitaa nin kaasi wuu ku dhaafay oo maad gadhaysid.
Nina sand ma gaadhid oo ninka kaa xoolo badan sanada maad gaadhid.
Nina weligaa maad gaadhid oo nin ka kaa naagta fiican weligaa maad gaadhid.
maahmaah haday qaldan yihiin i soosheeg waan badalayaaye ama aan is dhaafiyey.
badhan6@hommail.com