Tijaaboyinka firi Iyo sida dadku ugu fooday
Nin kee ugu Gabay badan ragan ?
Horta waa maxay Suugaan?
wacan oo wanaagsan mahad alleh baa is ka leh Waxaa horta is waydiin leh waxay Suugaani tahay iyo waxay u kala baxdo ? Suugaan waa lafdhabarta Dhaqanka aduunkuna waa wax yaabah uu ka siman yahay illahay markuu aboouray umad walba waxay yeelatay luuqad u gaar ah oo ay isku aaf garato Luuqadii waxaay uga sii gudbeen dhaqan ay samaysteen oo ah sidii dastuurkii oo kale dhaqankii waxaa uga so baxay Suugaan oo ah is ku xidh ka luuqada iyo dadka hadaba haydana sidaa u fasilay Suugaan in kasta oo aan ahayan dadk ku ta khasusay raadinta Suugaanta iyo macnaheed ee aan ahay dadka jecel is kuna daya in ay fahmaan waxay tahay iyagoon baadhin waxaa laga yaba adigag akhrisanaya in aad gaar u fasilato Erayga Suugaan uuna kuu soo baxo macne kayga ka duwan lakiin waxan uhubaa uun in aynu isku meel keenayno maxaa yeelay waxaan wada naqan Furah Suugaanta oo u kal baxa wax yaabo badan sida GABAY GUUROOW DHAANTO
MAANSO
HEESO
BURAANBUR
CIYAAR DHAQAMEED
GEERAAR
GUUROOW
JIIFTO
MAAH MAAHO
IWM
Sugaantu dhowr nooc ayaan u kala qaadi karnaa taas oo middiba si gooni ah wax u micneyso ama loogu luuqeeyo: Sida Gabayga, buraanburka, heesaha, geereeka, maahmaahda, halxiraalaha,iwm.
Haddaba faa'iidada ay inoo leedahay ama waxaan ku adeegsano suugantu waxay inaga caawisa Taariikhda Ummadda Somaliyeed hadaan dib u raacnno suugaantu waxay aheyd waxa qudha ee ina xirrin jiray, taas oon ayayn lahay qalabada manta la isticmaallo post, telephone, Ridoe, internet, iwm. Waxay markaa dadku adeegsan jireen gabayada iyagoo fariimo isugu diri jiray aad ay can u aheyd weliba sanadadii xornnimo doonta Abwaanda iyo siyaasiyiinta dalka somaliyeed Suugaanta ayaa door weyn ka ciyaartay.
Faa'iidada Suugaanta: Waa wehelka, faraxdda/arooska/ilmmo cusub oo dhashay,xornimo la gaadho ama kali ha ahaato ama wadankoo xorooba ha ahaato. Naxdinta/dhiilad/,geeri xun oo kugu timaada, xorninmo darro/dhac lagu dhacay kali iyo wadarba/ siyaasada oo xumaata,kaftanka,iwm intaba suugaanaan had iyo jeer u cuskanaa.
Gabeyada: Gabaygu tariikh ahaan waxaa uu gaar u ahaa Ninmanka oo qudha taas oo ay had iyo jeer ay kuwada xidhiidhi jireen ama ha ahaato dagaal ama nabad ama amaan, lakiin gadaal xidhiidh guud ahaaneedba.Gabaygu waa leysu caayaa waa leysku amaanaa waxbaa leysugu sheegaa ama wareysi ha ahaado ama digninn/waanno/mahad celin. Taariikh ahaan gabayda Somalidu waxay kala laheeyeen magacyo iyo u jeedoon kala duwan, waxaa la yaab leh wakhtigaa dadku wey xafidi jireen hadana gabeyga soo baxa maalintaa meel welba waa laga aqoon jiry, waxna lama qori jirin waxna Rikoodh muu jirin,
Xiliyada isticmaarka uu Somalida heysatay, gabayaagu door weyn ayuu ka ciyaaray wacyi galinta ummadda Somaliyeed. Taas oo ay Abwaano badani ku guubaabin jireen dadka Somaliyeed si ay gumaystaha iskaga dhiciyeen. Gabayaaga Somaliyeed waxay ka gabyaan marxalado kala gadisan oo dhammaan saamaysaa geedi socdka nolosha iyo waayaha bulshdaba. Guud ahaan gabayaaga Somaliyeed aad ayaa loo qiimeeya loona qadariyaa.
Siday aheyd gabaydu gaar ayay u ahaayeen Ragga lakiin manta isbadal ayaa dhacay oo dumarkii ayaa bilaabay iney gabayaan welli ka dumarku waxaa uu had iyo jeer u badan yahay waan doon ama cabsho, waana horru mar weyn oo la gaadhay , isla halkaa waxaan ka arkeynaa in Suugaantu ayayna gabow lahayn weliba inagoo manta aanan u baahneyn in u isticmaalnno xirriir sidii wayadaii horeeto
Tusaale
Hodan
Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne
Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda
Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
(Ruqruqaansigaygii) dambaan soo hambaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay
Buraanbur:
Buraanburku waxaa uu gaar u yahay Dumarka somalida meel kasta ha joogaan, sida Gabeygu Ragga ugu gaar ahaa, isla markaa buraanburku qaabab gooni ah ayaa loo buraanburaa taas oo ku xidhan hadba gobalka la joogo, sababtoo ah wadanku uu weyn yahay dadkuna ismey soo gaadhin jirin sidaa darted ayaa qollo welib nooc u gaar ah ugu luuqeysaa. Buraanburku badanaa waxaa uu ka hadlaa ama loo adgeegsadaa farxada aroosyada/amaan ahaan/waanno/dardaaran iwm. waxaa kaloo loo isticmaalaa diilada/cabashada hadii naag marwo ah uu xumeeyo ninkeedu ama xilkii reerkooda ka soo bixi waayo.
Geeraar: Geeraarku waa nooc gooni oo leysku afgarto qayb weyna ka qaata suugaanta Somaaliyeed, geerarka waxuu ka dhexeeyaa Ragga iyo Dumarkaba waxuuna u dhaxeeyaa gabeyga iyo buraanburka.Geeraarka Raggu wey ku luuqeeyaan siday caadadu tahay.
Tusaale ahaan: waxaa tiriyey Maxamoud jamac daalin
Illah ha u naxariistee waa Geeraar
Ilaahay ka cabsooda
Haddaa dhaar Awalkeediyo Aakhirkeeda martaan Waa Walaahi Engeg Oo idin aamini maayo
Umuddii Nebigii iyo(NNKH) Ashraaf baydin cunteen Oo Idin aamini maato
Sida Aarkiyo Goosha Ama Awle Libaaxoo Afmeer xoolo ku laayaad Arkaa qaad noqoteen Oo idin aamini maayo
-
Heesaha:
heestu waxay u kala qaybsameysaa laba qeybood mid waligeedba jirtay iyo mid casri ah. Midda weligeed jirtay waxaa weeyaaniyadoo lagu luuqeyn jiray taas oon loo isticmaali jirin qalab la garaaco, waxaa laga isticmaalaa miyiga ama tuulooyinka taas oo dhalin yarada ku kaftami jirtay aheyda sida qudha ee aya ku kulmi jireen waxaa loo baxi jiray ciyaaro fiidadak waana leysu heesi jiray.
B. Hees caruureed: caruurteena waa loo heesi jiray haday ooyaan hadey gaajoodaan si loo maaweeliyo ilmahaas waxayna ku xidhneyd kolba hooyadii siday heesaa u tahay ama loo kala xariifsan yahay.
C .Hees xooleed, xooluhu qayb weyn ayuu nolasheena ka qaatay ilaa manta inagoo u adeegsana gadaad iyo ku noolaanshoba, isla markaa waa loo heesi jiray marka la waraabinayo/ la maalayo/la rarayo/la daajinayo/la guurayo.
D. Heeso casri: heesaha manta jira Markey soo baxeen dadku aad ayuu aqoontoodu u badneyd dadkii bilaabayna dhibaatooyin weyn ayay kala kulmeen welib dumarkii fanaantiita ahaa wakhtiyadaa 1950-1970, taas oo loo heystay in qofka heesaa uu ka lumay oo aanu faaii'do danbe laheyn. Hadaba heesaha loo adeegsado qalabka la garaaco waxay u badnaayeen heeso u badan jacey dhex mara wiil iyo gabdh, lakiin markii la soo gaadhay wakhtigii Siyaad Barre heesii weji kale ayay yeesheen oo abwaaniintii si maldahan oo siyaasadi ku jirto lakiin ka hadleysa jacay ayay u alifeen dhibaatooyin badana wey ka soo gaadhay Abwaanada sida Hadraawi oo lagu xidhi jiray, Abdi qays, qaasin,Xudeydi, Huryo.
Halxiraalle:
Halxiraalle waa afka ka duwan afka caadiga ah een ku hadalnno sidii kuwii hore. Harxiraalle isgu waa nooc gooni ahse oo laguma luuqoyo ee su'allo leys weydiiyo weeyaan oo qofku ama uu garto ama uu garan waayo isla markaanay ku xidhan tahay qofkasta aqoontiisa ama waayo argnimadiisa. Harxidhaaga badanaa Raggu waxay u isticmaali jireen markay ciyaarayaan shaxda ama ay duulimaad tagayaan si ay u kalla ogaadaan ninka aqoonta badan iyo iyo ka aqoonta yar.
Maahmaah: maahmaahdu had iyo jeer waa hadal hore loo yiri, isla markaana gaboowd. Mahamaahda si gooni aha ayaa loositicmaalaa waana waxa qudha ee hada iyo jeer ku jira hadalkeena, waxay soo koobtaa hadal aad in badan odhan laheyd badanaa waxaa isticmaala qofba qofka uu ka dalyaqaanno ama uu ka weyn yahay. Waxaase la moodaa in maahmaahii ay gabaabsi yihiin oo leyska dhaafay isticmaalkeedii waase nasiib daro sababtoo maahmaahdu waa udub dhexaadkii hadalkeena.
Qaybaha kaladuwan ee suugaanta
Suugaantu waxa ay waligeedba ummadda Soomaaliyeed u ahayd laf dhabar, walina u tahay.Suugaan haddaan isku dayno in aan qeexno ereyga suugaan waxa uu yeelanayaa sharaxaad aad u badan, laakiin haddaan si gaaban u ni dhaahno: waa maxay suugaani? jawaabta, waxa ay noqonaysaa wax alla wixii ka duwan hadalka tooska ah. Taasi, waxaan ula jeednaa, haddaan afka Soomaaliyeed ee lagu wada hadlo u kala qaybinno laba:-
Tix iyo Tiraab
waxaan odhan karnaa in dhammaan wixii hadalka caadiga ah, ka duwani uu yahay suugaan. Haddaba waxa la is waydiin karaa, kolka aan afkii soomaaliga oo dhan u kala qaybinnay Tix iyo Tiraab, Tixi miyaanay ka weyneyn Suugaan. Taas jawaabteedu waa tix. Waayo ereyo gaagaaban ama kooban oo nooc walba ah ayaa noqon kara, ama Gabay,Hees,Geeraar,Guuroow iwm...
Markaas Suugaan, waxaan odhan karraa, waa wax kasta oo ka duwan hadalka, oo yeelan kara qaab laxan oo lagu codayn karo, intay doonto iyo noocay doonto ayayna noqon kartaa.Haddii aan ka sheegno wax yar. Haddaba aan wax yar ka sheekeyno heerarkii ay suugaanta Soomaaliyeed soo martay iyo qaybeheeda. Suugaanta soomaaliyeed, waxa ay soo martay heerar kala duwan, waxayna kala tahay qaybo badan oo kala duduwan: Suugaantu waxa ay ahayd qalabka warfaafineed ee la adeegsado. Taasoo ahayd qalab loo adeegsado guubaabada. baroorta, amaanta, heshiisiinta iyo wax kastoo bulshada dareenkeeda wax ka beddeli karaba.
Maahmaahaha oo ka mid ah suugaanta soomaaliyeed, ahna tuducyo ama tixo,xambaarsan dhambaalo aad u qaali ah oo koobkoonan. Marka la fasirona wajiyo badan yeelan kara, intooda badanna lama yaqaan waqti la sheegay iyo qof sheegay, waxase loo malaynayaa in intooda badini inay soo bexeen waqti aan dhawayn.
Heerarka kala duwan ee ay soo martay suugaantu soomaaliyeed, waxa ay la socotay taariikhda ummadda, waxayna isla beddeleysay xilliyada iyo heerarka nololeed ee bulshada dhex marayso. Suugaantu waxa ay ahayd diiwaanka ugu weyn ee lagu kaydinaayay dhaqanka soomaaliyeed. Qiyaastii qarnigii 18 intii ka horaysay suugaanta soomaaliyeed, wax sidaas u badan lagama hayo sababtuna waa iyadoo aan la haysan qalabka wax lagu kaydiyo iyo qoraaltoona.Qarnigii 19aad suugaan badan ayaa laga hayaa, ha ahaato gabayo, geeraarro, guuroow ama murti kale oo badan. Qarnigaas ragga aad loogu yaqaan ee suugaan yahaniinta ah, waxaa ka mid ahaa: Faarax Nuur, Raage Ugaas, iyo kuwo kale oo badan.Qarnigii 20 waxaan ugu magac dari karaa klasik. Waxa ay ahayd mid la odhan karo waqtigii qaaliga ahaa ee ummadda soomaaliyeed inteeda badani ay ku noolaayeen miyiga. Halkaas oo ay xeerarkooda, dhaqankooda iyo arrimohooda oo dhan ay u adeegsan jireen suugaanta, ha ugu badnaadaan: gabayga, geeraarka, guuroowga iyo buraanburka iyo ciyaaraha dhaqanka.
Qarnigan dhexdhexaadkiisii, waqtigii gumaysiga lala dagaalamayay, suugaantii la tiriyay inteedii badnayd waxaa lagu duubay Mulaaxaha hadalka lagu kaydiyo oo waa la helayaa
Qeybaha kala duwan ee suugaantu ka kooban tahay:
1- gabayga 2-Heesta 3-Geeraarka 4-Guuroowga 5-Buraamburka 6-Jiiftada 7-Maansada 8-Ciyaaro dhaqameedka Ciyaaro dhaqameedku waxay u kala baxaan:
1-Sayliciga 2.-Saddexleyda 3. Saddex dhacada 4- Shaxleyda 5-Dhaantada 6. Hirwada 7-Gebla shimbirta 8-Welesiqda 9-Hariimahee 10-Botor 11-Waalo 12-Kabeebey iyo kuwo kaloo badan Ciyaariba waxay caan ka tahay goobo ama gobollo ka mid ah dhulweynaha soomaalidu degto.

|
Sawirada Abwanada
Abwaan Maxamed Aadan (Maaweel)
Abwaanka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan oo ku magac dheer Maaweel, wuxuu sanadkii 1942 ku dhashay magaalada Ceerigaabo, wuxuune ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka iyo tixgelinta deeqsi ku ah…marka aad la joogto kama dhergaysid sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu waayo waayo soo maray. Maaweel wuxuugabayada ka racay aabihii labadiisa awoowe mid ka hooyadii iyo midka dhinaca aabihiiba abati yaashii iyo habaryarihiiba waxaa jiray gabay uu tiri yey awoow giis aabe oo ahaa isada tan.
Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye
Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!.
gabaygii ugu horeyey ee uu Maaweel tiriyo wuxuu jiray 19 sano wuxuuna joogay magalada cadan habeenaroos ah isaga iyo abtigii nin ah oo la oran jiray Cabdi Saalax (Boqole) baa wuxuu arkay Maaweel oo gabdho arooska jooga sal-salamaaya markaas buu abtigii Maaweel u gabayay oo yiri sidan.
Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso
Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray
Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!.
Markii uu abtigay tixdaas igu ridey ayaan tuhmay in abtigay la igu diray dabadeedna waxaan tiriyey tixdii ugu horraysey gabay aan tiriyo, waxaan idhi:
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.
Xiligaas uu Cadan joogey,waa 1964 kiiye waxaa soo baxay dhaqan cusub oo ay dhalinyardu la timid oo ay cayaar Twice la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa aroosyadii ay ka gabyi jirey ee ku caweeyn jireen baa loo diidey oo waxaa la yidhi: “Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku raali naga ahaada…kolkaasay xoogaa haantaa haduub la’ ahi nagu dhacday, dabeed waxay la noqotay in uu ciyaalka gaafka ka qabsaday in uu gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, wuxuuna mariyey tix ay meerisyadani ka mid ahayd.
Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey
Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku
Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane
Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin
Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey
Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye
Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye
War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!.
markuu gabayga amarshay baa dadkii ka qaday maaleelada laga wada xidhay baarakay ku ciyaari jireen ayana baaba een
Maaweel intaa ka bacdi wuxuu la si baxay suuugantii si fiican waxayna aad iyo aad gabay isugu tirin jireen nin ay saaxiib ahayene oo la oran jiray Baare Cilmi Dable oo ay isku hayaan reer Sacuudi waxa markii danbena ay gabayo waa wayn oo qima badan isku tiriyeen nin la oran jiray Khaliif Xasan Walah oo ahaa reer Muqdisho markaa ay iyan joogeen Sucuudiyaga oo aha nin ka dawayan baa loo geyey gabayo ay isku tiri yeen Maaweel iyo Bare oo lagu yiri gabaygan sinlayda ah waxa isku tiriyey labada wiil kamana yaqanin in aad tahay inin jira reer raga u gabay markaas buu tix gabay ah u diray Maaweel waxayna ahayd sidan.
Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay
Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey
Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey
Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye
Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.
markaas Maaweel muusan aqoon Khaliif marakaa wuxuu raadiyey taariikhdiisi bal wuxuu ahaan jiray ilay nin aadan aqoon umaad gabayi kartide markaas wuxu soo helay in Khaliif uu joogi jiray wadanka Kenaya una ku xumaa qadka iyo hawlihiisa makraas buu tix gabay ah u diray isna waxayan ahayd sidan.
Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:
Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey
Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.
Bare iyo maaweel waxay isku gabayi jireel labadoodu ka hore markii u Khaliif ka maqnaa gabayadooda markaas wax bilaabay in labadoodo isku gabayaan Maaweel oo Kuweeyd jooga, isaguna uu Dahraan ku nool yahay ayuu nin ugu soo dhiibey fariin ahayd Maaweel waxaad ku tidhaahdaa dirayka Lee la yidhaahdo ayaa noo daran, taas daandaansi buu Maaweel u qaatay waayo wuu shaqeeyaa, dhaqaalihiisu waa ladan yahay, marka waxaa u soo baxday inuusan Lee waayine uu ilaaq u jeedo, dabadeedna waxaan u tiriyey gabaygan:
Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe
Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye
Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan
Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso
Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo
Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin
Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye
Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey
Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay
Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey
Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula
Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo
Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye
Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye
Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey
Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e
Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey
Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.
Saaxiibkiis Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu u soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe
Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan
Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine
Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho
Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne
Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe
Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye
Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e
Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho
Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode
Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye
Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka
Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga
Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye
Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda
Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!.
markaay intaasi kala dhex martay bay is daayeen oo heshiiyeen
hadaba waxaa jiray nin kale oo ay isku gabyeen Abwaan Maaweel oo ahaa reer kuwayd ayadna mararkaa ay bare iyo maaweel isku gabayayeen baa maaweel yiri anoo jooga ku way kuna cusub markaas baa reer ku wayd yiraahdeen war waadigii suxufi gabayaa ahaaye inbadan waan nal joogtaye maxaad u gabayi wayday mise aroosyada uun baad gabadhaa ka amaantaa ee raga lamaad gabaytantid markaa nin la oran jiray sheef baa laysu gabayey maaweel wuxuu ugugabayey sidan reer kuwayd
Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye
Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye
Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda
Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo
Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane
Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye
Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu
Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene
Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e
Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe
Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane
Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye
London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye
Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane
Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede
Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane
Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane
Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e
Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye
Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka
Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane
Lo’ miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!.
Markuu tixdaas tiriyey bay xaaladdii cirka isku shareertay oo ay isga iyo reer Kuweyd noqotay, waxaa ugu horayn u soo jawaabay Maaweel nin gabyaa ahaa oo ahaa reer kuwayd xilagaa magaciisan layidhaahdo Sheef, wuxuu yidhi:
Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday
Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay
Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye
Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e
Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye
Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid
Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!.
Ninkaas wuxuu ku yidhi xaasid baad tahaye adigaa iga helaye maxaad nin gabyaa ah ugu geeyn weeydey. Gabayga Sheef markuu sida noqqday buu Maaweel Sheef daba galay wuxuuna soo helay inuusan xaasba lahayn Sheef, dabadeed tixdan buu u mariyey, wuxuu idhi:Maaweel
Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne
Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne
Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane
Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye
Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo
Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo
Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta
Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye
Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta
Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta
Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye
Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!!.
Markay Maaweel iyo Sheef labadaa gabay is dhaafsadeen ayaa gabyaa Bashiir Ismaaciil la yidhaahdaa bardoodankii soo galay, waxaa ka mid ahaa tix uu ii soo tiriyey meerisyadan:
Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye
Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey
Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine
Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay
Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline
Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye
Dhowaanse reer Margaab1 sheekadaad kula dhex meeraysey
Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine
Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e
Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye
Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.
Gabayga Bashiir Ismaaciilna waan ka jawaabay oo waxaa gabaygii aan u tiriyey ka mid ahaa tuducyadan:
Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay
Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid
Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa
Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho
Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne
Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele
Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane
Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade
Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne
Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye
Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale
Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye
Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e
Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye
Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye
Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye
Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey
I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye
Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka
Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye
Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e
Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid
Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!!.
Rag kale oo tiro badan ayey isu gabaynay oo ay silsilado kala duwani ay dhex mareen, laakiin kama gaadhayno inaynu ka wad sheekayno maanta.
halkaas bay ku joogeen gabaydii isaga iyo ragaas dhex maray waxaa jiray gabay wadanah oo uu tiriyey Maaweel wuxuuna aa sidan.
Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane
Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine
Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine
Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.
Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa
Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey
Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo
Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba
Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin
Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e
Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede
Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone
Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.
Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye
Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane
Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e
In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro
Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye
Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.
Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib
Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye
Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye
Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!.
gabaygaasi wuxuu ahaa mid aha markii dowladu jirtay uu tiryey lakiin dowladuintay burburtay wuxuu tiryey gbayo badan lakiin waxaa jiray mid uu tiriey 1992 gii
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane!.
Waxaa kaloo jirta tix aan dadkan dhoofaya ee dalkoodii ka sii cidhib go’aya uu ka tiriyey, waxaana ka mid ah meerisyadan:
Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge
Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane
Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e
Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne
Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e
Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey
Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo
Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane
Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid
Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!!.
hadaba dhulkii uu sidaa ugu gabyaaye iyo dadkii ka soo cararaya iyo qaranimadu meeshay taal meeshayan ahaan jirtay muxuu maanta ku oran lahaa Maaweel hadaba sidan buu yiri
Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane
Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye
Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye
Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe
Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere
Amaydaan u sayn go’in sidii qaramadii suulay
Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye
Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!.
wuxuu abwaan Maaweel ku noolyahay Kenya
hadad rabto inaad la xidhiidhan halakan adigu kal xidhiidh
Kala xidhiidh Abwaan Maxamed Adan Maaweel: E-mail: maaweelpoet@yahoo.com
(Taariikhi ma qarsonto ahadanla qarinayan )
|